Soddon iyo saddex ku dhintay doomo

Lahaanshaha sawirka

Warfaafinta Turkiga ayaa sheegay in soddon iyo saddex qof ay ku dhinteen badda Aegean iyagoo isku dayaya inay gaaraan Gariiga.

Labaatan iyo laba qof ayaa dhintay markii doontooda ay ku ga'doontay meel u dhow jasiirada Lesbos.

Maydka kow iyo toban qof oo kale ayaa laga helay meel u dhow jasiirada Dikili ee Turkiga.

Kumanaan qof oo qaxooti ah oo ka imanaya Turkiga ayaa isku dayaya inay yimaadaan Yurub.