Xero qaxooti oo cusub oo gudaha Suuriya laga dhisay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qoxooti cusub ayaa rabay in ay galaan gudaha Turkiga balse waa laga hor istaagay

Shaqaalaha gargaarka ee Turkiga ayaa teendhooyin ka dhisay xadka Suuriya iyaga oo mucaawino gaarsiinaya kumanaan qof oo qaxooti Suuriyaan ah oo loo diiday in ay soo galaan gudaha Turkiga.

Dad lagu qiyaasay 35,000 oo ruux ayaa ka soo firxaday weerar ay dawladdu ku qaaday deegaanada Xalab ka agdhaw waxayna isku dayayaan in ay ka talaabaan xadka oo ay galaan deegaanka Kilis ee dalka Turkiga.

Laakiin Turkiga ayaa diiday in ay dadkaasi soo galaan dalkooda iyada oo hogaamiyeyaasha Midawga Yurub ay ku baaqeen in dadkaasi Turkiga loo ogolaado.

Dalkaasi wuxuu hadda magan galiyay 2.5 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah oo dagaalada ka soo cararay.

Qaar badan oo ka mid ah qaxootiga Suuriyaanka ayaa magangalyo u raadsaday Midawga Yurub, waxayna qaybta ugu badan ka yihiin dad hal milyan ka badan oo si sharci daro ah ku galay Yurub kuwaas oo ka soo galay badda Turkiga.

Turkigu wuxuu isku dayayaa in uu dheeli tiro dadka uu qaabilayo iyo in uu yareeyo dadka Yurub u talaabaya.

Rai’sal wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Numan Kurtulmus ayaa sheegay in dalkiisu uu qaabilay tiradii uu awooday sidaas ooy tahayna ay u ogolaan doonaan in ay Suuriyaanki galaan dalkooda.