Doorashada New-Hampshere ee dalka Maraykanka

Lahaanshaha sawirka Reuters

Codbixiyayaasha ayaa qabowga daran u soo bareeray si ay codkooda uga dhiibtaan codbixinta aasaasiga ah ee New Hampshire.

Waa gobolkii labaad ee qabta doorashada musharixiinta u tartamaya musharaxnimada madaxtinimada dalka Maraykanka.

Ilaa hadda oo kaliya dhowr xaafadood oo yar yar ayaa soo saaray natiijadooda.

Gobolka ayaa loo arkaa in uu yahay mid laga sii qiyaasan karo cidda ugu dambaynta fursadda u yeelan karta in ay gasho aqalka cad oo Maraykanka madaxwayne u noqoto.

Qiyaasta hordhaca codbixinta, ayaa saadaalinaysa in ganacsadaha bilyamaaadka lacagta ah haysta, Donald Trump ee isu sharaxaya Republican-ka iyo Senetor-ka garabka bidix, Bernie Sanders ee Democrats-ka ay guusha heli doonaan.

Mr Trump waxaa cadaadis ku haya in uu gobolka Iowa kaga guulaystay Ted Cruz.

Guul uu gaaro Sanator Sanders waxa su'aalo hor leh ka keeni doontaa musharaxnimada Hilary Clinton oo ka mid ah dadka ugu cad-cad mushrixiinta Democraadiga.