Su'aalaha aan jawaabaha loo haynin ee diyaaradda la qarxiyay

Lahaanshaha sawirka Darren Howe
Image caption diyaaradda daalo oo uu duleel ka muuqdo

Dhowaan diyaarad kuwa rakaabka ah ayaa si dhakhso ah loogu dejiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo uu ka muuqdo duleel wayn oo qof rakaab ahna uu ka maqan yahay.

Xoogaa kaddib mas'uuliyiin dowladda Faderaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in diyaaradda bambo lagu qarxiyay laakiin su'aalo dhowr ah ayaan jawaabo loo helin:

Yaa bamkaasi meesha dhigay?

Mid ka mid ah jawaabaha lahayo ayaa ah in ninka looga shakisan yahay qaraxa uu yahay isla ninka rakaabka laga dhex waayay ee kaddibna la xaqiijiyay in uu dhintay.

Laakiin ma ogin in arrintaasi xaqiiqo tahay.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladda, ayaa sheegay in ninka la waayay lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdisalaan Boorle, uuna watay baasaboor Soomaali ah da'diisuna ay ahayd 55 sano.

Isaga iyo in badan oo ka mid ah rakaabka kalaba, waxay ahayd in ay raacaan duulimaadka diyaaradda Turkish Airlines laakiin waa la baajiyay rakaabkiina, waxaa sidaas ku qaadday diyaaradda Daallo.

Waxaa la isla dhex maray in ninkaasi uu gaariga curyaamada la socday marka uu diyaaradda raacayay laakiin madaxa shirkadda diyaaradaha ee Daallo Maxamad Yaasiin Colaad ayaa barnaamijka BBC-da ee News Day u sheegay in aan la diiwaangalin gaari curyaan oo diyaaradda lala raacay.

Dadkii baadhitaanada samaynayay, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ay u badan tahay in ninkaasi uu ka dhacay dhanka ay diyaaraddu ka duleesho ee uu qaruxu ka dhacay.

Isla maalintaas nin mayd ah oo dhulka yaala, ayaa laga helay Balcad oo ah magaalo dhul beereed ah oo ku taalla ilaa 30km dhanka waqooyi ee magaalada Muqdisho.

Lahaanshaha sawirka Harun Maruf
Image caption su'aalo aan laga jawaabin ayaa wali jira

Laakiin wali qofkaas lama aqoonsanin.

Bamka sidee ku gaaray gudaha diyaaradda?

Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sii daysay muuqaal ay ku sheegtay in uu muujinayo(laptop) ama kombiyuutarka laabta la saaran karo, oo lagu wareejinayo qof rakaab ah kaddib markii uu soo dhaafay goobtii laamaha ammaanku ay ku baareen oo gudaha garoonka ah.

Tan, waxaa arrintan loo fasirtay in waxyaabo qarxa lagu xiray laabtoobkaasi.

Intaas kaddib dawladdu, waxay xirtay labaatan ruux oo ay ku jiraan shaqaalihii garoonka.

David Learmont, oo ah khabiir ku takhasusay duulimaadyada, ayaa sheegay in laga shakin karo in muuqaalkan uu wax walba iftiiminayo.

Barnaamijka BBC Focus on Afrika, ayuu u sheegay in uu u malaynayo in qofna uusan hubin in laabtoobkaasi lala kala wareegayo uu yahay bamkii ama wixii qarxay.

Lahaanshaha sawirka Harun Maruf

Balse wuxuu intaas ku daray in shaqaalaha garoonku ay yihiin meesha ay ka nugul yihiin ammaanka garoomada adduunka oo dhan.

Waa maxay sababta bamku uusan saamaynta badan u yeelanin?

Duuliyihii diyaaradda, ayaa wakaalada wararka ee AP u sheegay in haddii diyaaraddu ay hawada sare ku jiri lahayd ay qarxilahayd.

David Denman, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha bambooyinka ayaa sheegay in walaxda qaraxda ee laabtoobka lagu xiri karo amaba midka taas ka sii yar ay sababi karto dhibaato wayn.

Wuxuu sheegay in duleelka uu qaraxaasu sababo uu keeni karo dhib wayn haddii ay diyaarado ku jirto joog sare, arrintaas oo keenaysa in duleelku waynaado oo duuliyuhuna xakamayn waayo diyaaradda taas oo sababi karta in diyaaraddu cadcad u kala go'do.

Laakiin taas badalkeeda qaraxu, wuxuu dhacay qiyaastii 15 daqiiqo kaddib markii ay diyaaraddu kacday iyada oo dhulka ka fogaatay 3,350 mitir.

Arrintaasi, waxay sababtay in ay diyaaraddu gees ku yeelato duleel 1 mitir ah, laakiin duuliyaha ayay u suurtagashay in uu si nabad ah diyaaradda ku dajiyo.

Su'aasha meesha imanaysaa ayaase ah waa maxay sababta uu qaraxu ugu soo beegmay xilligaas?.

Suurtagal ma aha in la helo jawaabta su'aashaas, iyadoo aan lala hadlin dadkii qaraxaasi ku lug lahaa.

Muxuu qofina u sheegan waayay masuuliyadda qaraxaasi?

Cabdiraxmaan Koronto oo ka tirsan laanta Afka Soomaaliga ee BBC, ayaa tilmaamaya in la sheegan lahaa haddii ay saamayntu intan ka badnaan lahayd.

Wuxuu intaas ku daray in ururka Al-shabaab ay saacado gudahood ku sheegtaaan marka ay wax qarxiyaan.

Al-shabaab, ayaa qarax laabtoob loo adeegsaday gaysatay saddex sano ka hor. laakiin midkaasi dhacay saddex sano ka hor waxaa weheliyay qarax gaari loo adeegsaday waxaana ku dhintay lix ruux.

Dhanka kalana, wuxuu sheegay in ay jiraan weeraro aysan cidina sheeganin. Bishii 12 ee sanadkii 2013 saddex dhakhtar oo Suuriyaan ah iyo qof la socday Soomaali ah, ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah kaas oo ay Al-shabaab iska fogeeyeen.