Sharciga Cusub ee Faransiiska

Hindise muran weyn dhaliyay oo ku saabsan isbadal lagu sameeyo sharciga jinsiyadda dalka Faransiiska ayaa ka gudbay caqabaddii ugu horreysay ee aqalka hoose ee baarlamanka.

Xildhibaanada ayaa ansixiyay tallaabo dhalashada loogala noqonaya dadka loo maxkamadeeyay dambiyo la xiriira argagixisnimo.

Hindisan cusub waxa uu muran weyn ka dhaliyay dalka faransiiska gudihiisa oo loo arko inuu yahay mid taabanaya dadyow badan dhalshada Faransiiska qaatay.

Sidoo kale waxaa hindisan siyaasad ahaan uu hareeyey xukuumada faransiiska dhexdeeda

Weeraradii ka dhacay caasimadda Paris sanadkii la soo dhaafay bishiisii Novembar ayaa dhaliyay su'aalo badan

dalka faransiiskana waxuu galay jawi cusub oo siyaasadeed iyo mid dagaal