Dhaqaatiirta Egland oo diidan sharci cusub

Lahaanshaha sawirka

Madaxda dhaqaatiirta ayaa balanqaaday inay ka soo horjeesan doonaan, kadib markii dowladda England ay ku dhawaaqday heshiis shaqo oo cusub oo ay dhaqaatiirta ku shaqayn doonaan.

Heshiiska ayaa yaraynaya dhaqaatiirta lacagta ay qaataan maalmaha la nasto.

Ururka dhaqaatiirta ee BMA ayaa sheegay inay ka fikirayaan wax walba iyadoo qilaafka uu qatar ugu jiro inuuu sii waynaado.

Arurka dhaqaatiirta ayaa diiday inay qaataan waxa dowladda ay doonayso.

Hogaamiyaha ururka dhaqaatiirta, Dr Johann Malawana, ayaa sheegay in sida dowladda ay u samaysay heshiiskan shaqada ay tahay mid fogaynaysa dhaqaatiir badan mustaqbalka, ayna jiri doonto shaqo ka fariisi kale.