Falastiiniyiinta oo codsaday lacag gargaar

Masuuliyiinta Falastiiniiinta iyo Qaramada Midoobay ayaa codsaday lacag si ay u helaan in kabadan shan boqol iyo toddobaatan milyan oo dollar.

Inteeda badan lacagta ayaa loogu tala galay gargaar cunto oo ay u baahan yihiin 4.7 milyan dadka degan Daanta Galbeed iyo Qaza.

Masuuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa ka digay in xaalada oo adkayd markeedii hore ay ka sii dari doonto.

In ka badan boqol iyo konton falastiiniyiiin ayaa dhintay bilihii la soo dhaafay. Dadka dhintay qaar ayaa weerar mindi ku qaadayay dadka reer Israel, kuwa kalena waxay iska hor imaadeen boliiska Israel.