Muran ka dhashay Facdbook

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Mark Zuckerberg has moved quickly to put a digital bargepole between himself and one of Facebook's influential and well-regarded board members.

Mark Zuckerberg ayaa iskagogeyn deg deg ah ku sameeyay xubnaha ugu muhiimsan ee laga heybeysto ee gudiga Facebook maamula.

Mr. Zukcerberg ayaa waxuu iskudayaa in uu xadido waxyeeladda ay geysan karo fariin lagu diray barta Tweetka oo saameyn weyn ku yeelan karta Facebook oo caalamka oo dhan ku sii baahaya.

Lahaanshaha sawirka Getty

Markii Mark Andreessen uu ku gacanseeray go'aanka Hindiya ay ku horistaagtay in shirkadda Facebook ay sameyso internet lagu istimaali karo mobileka bilaasha ah oo lagu tilmaamay tilaabo looga soo horjeeda isgumeysi.

Waxuu cabsi ku kiciyay kuwa aamisan in Zuckerberg oo u wado hindise oo dhab ahaantii ku doonayo in uu gacanta ku dhigo balaarinta Internetka caalamka.

Mr Andreessen ayaa ogaaday in fariintii Twitterka ay buuqdhalisay ka dibna tirtiray. Hase ahaatee, Zuckerberg ayaa Talaadadii qoray markii ay doodu sii balaaratay, ' in uu hadalkaasi u arkay in uu yahay mid aad looga xumaado. Mana aha mid ka tirjimaya shirkadda Facebook iyo aniga toona.'

Andreessen oo ka mid ah dadkii ugu horeeyay ee maalgashtay shirkadda Facebook ayaa raali galin soo jeediyay, tirtirayna fariintiisii Twetterka uu ku diray.

Sababtu maxay tahay?

Lahaanshaha sawirka z

Maxaa yeelay waxay fariintaasi gaarsiisay waxyeelo weyn shirkadda Facebook aaminaadii lagu qabay.

Dalalka soo koraya, isbedel walba oo lagu sameeyo waxa uu qofku xaq u leeyahay waxay dhalineysaa baaritaan weyn.

Taasna waxaa ugu wacan in dadku ay doonayaa in ay sabab walba ogaadaan. Tusaale ahaan, maxay tahay sababta uu Facebook u rabo adeeg aqoosan kara wajiyada dadka ee sawiradda ay shirkadda dadka ka heyso?

Lahaanshaha sawirka FACEBOOK

Maxay tahay sababta uu Facebook ugu adkeysanayo dadka adeegiisa istimaala in ay macyadooda runta ah isku diiwaan galiyaan. Jawaabta ayaa dadka qaar qeyb ahaan raali ku ah oo ah in si wanaagsan la isugu dubarido nolosha dabta ah ee dadka iyo adeega Facebook ee digital ah.

Mr. Zuckerber ayaa waxaa uu hadda kaga jiraa liiska dadka ugu xoolaha badan caalamka numberka sideedaad. Inta badan qiimaha shirkadda Facebook iyo dantiisa ayaa waxay ku jirtaa in shirkaddu sii kobacdo ilaa iyo intii la aasaasay 2004tii.

Hase ahaatee, kala bar dadka caalamka ayaa istimaala Facebook, waxayna shirkaddu rabtaa in ay adeegeeda ku sii balaariso dalalka uu dhaqaalahoodu korayo. Wuxuuna ilaa iyo 22 bilyan ku gatay adeegga Whatsapp.