Rwanda oo qaxootiga Burundi deegaano cusub dajinaysa

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaxootiga Burundi

Dawladda Rwanda ayaa sheegtay in ay deegaanno kale u wareejinayso qaxootiga reer Burundi, arrintanina waxay ku soo aadaysaa iyadda oo bartanka lagaga jiro eedaymo Rwanda loogu soo jeedinayo in ay qas ka wado dalkaasi ay dariska yihiin.

Todobaadkii hore gudi Qaramada Midoobay ah ayaa golaha ammaanka ee Qaramad Midoobay u sheegay in Rwanda ay qorayso oo ay tababarayso qaxootiga si ay uga dagaalamaan gudaha dalka Burundi.

Walaac taas la mid ah ayay Maraykankuna soo jeediyeen.

Dalka Burundi ayaa qasnaa tan iyo markii madaxwaynaha dalkaasi uu go'aanaday in uu tartamo markii saddexaad, dhibaatooyinkii markaasi bilawdayna waxay sababeen in in kabadan labo boqol oo kun ay u qaxaan dalalka dariska ah.

Lama hubo in Rwanda ay diri doonto qaxootiga