Malaayiin u dhimata hawada wasakheysan

Lahaanshaha sawirka iStock
Image caption Warshadaha ayaa hawada kusii daaya qiiq wasakheeya.

In ka badan 5.5 milyan oo qof ayaa caalamka sanad waliba ugu dhimata wasakheynta hawada awgeed, sida lagu sheegay cilmi baaris cusub oo kasoo baxday dalka Mareykanka.

Dhimashadaasi ayaa u badan dalalka Shiinaha iyo India.

Wasakheynta ayaa waxaa inta badan dhaliya qiiqa ay warshadaha kusii daayaan hawada.

Hawada wasakheysan ayaa hadda ah tan afaraad ee sababta dhimashada ugu badan caalamka, sida lagu sheegay cilmi baarista.

Dalka Shiinaha oo keliya, waxaa sanad waliba hawada wasakheysan awgeed ugu dhinta 1.6 milyan oo qof, halka dalka India ay tiradaasi ku dhawdahay 1.3 milyan oo qof.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dalalka caalamka ay u baahan yihiin in ay waxbadan ka qabtaan wasakheynta hawada.