Cameron oo sheegay in ay muhiim tahay isbadal lagu sameeyo midowga Yurub

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Cameron ayaa doonaya in isbadal lagus ameeyo midowga Yurub.

Ra’iisalwasaaraha Britain David Cameron ayaa sheegay in Yuurb ay dan ugu jirto in dalkiisa ka xubin ka sii ahaado midowga Yurub oo dib u habayn lagu sameeyay.

Isaga oo ka hadlayay dalka Jarmalka ayuu ra’iisalwasaare Cameron sheegay in isbadalada uu doonaya lagu sameeyo midowga Yurub ay yihiin kuwo u horseedayo mustaqbal fiican.

Waxa uu sheegay in haddii uu helo isbadalada uu doonayo uu u ololeyn doono in dalkiisa uu xubin ka sii ahaado midowga Yurub.

Kooxaha u ololeynaya in Britain ay ka xabdo midowga Yurub ayaa waxa ay sheegeen wada xaajoodka uu ra’iisalwasaare Cameron ka galayo arrintaasi ay tahay mid aan waxbo ka jirin.

David Cameron ayaa rajeynayo in kulanka hoggaamiyeyaasha midowga Yurub ee usbuuca dambe ka dhici doono Brussels uu u adeegsan doono in shacabkiisa uu u sheego qodobada ay doonayaan marka ay dhaceyso aftida bisha Juun ee sanadkan.