Diwaangalinta doorashooyinka Somaliland ee Awdal

Bobolka Awdal ee Somaliland waxaa saaka si rasmi ah uga bilowday isdiwaangalinta dadka codbixinta doorashooyinka somaliland ka qaybgeli doona sanadka dambe

Isdiwaangalintan ayaa gobol gobol looga wadaa dhamaan somaliland waxaana horay looga sameeyey Togdheer

Gudiga Doorashooyinka ayaa mudaba ku howlanaa sidii dadka loo diwaangalin lahaa howshana waa mid aah u culus

Waxaa ka qaybqaadanaya boqolaal shaqaale ah, gawaari xaga farsamada iyo waliba dhaqaale aduun oo lagu wadayo isdiwaangalinta dadka.

Meelaha qaar waxaa laga soo sheegayaa cilad xaga internetka ah, gudiga doorashooyinkana waxay howlgaliyeen arday badan

Sanadkan soo socda ayaa lagu wadaa Somaliland inay ka dhacdo doorshada guud oo sadax xisbi ay ka qayb qaadanayaan