Mucaaradka Suuriya oo diiday xabadjoojin

Lahaanshaha sawirka Reuters

Jabhadaha dagaalka ka wada dalka Suuriya ayaa ku gacansayray inay xabada joojiyaan

Waxay Jabhadahani sheegeen inay dagaalka wadayaan ilaa ay xilka ka tuurayaan Bashaar Al-asad

Sidoo kale waxay eedeeyeen duqaynta uu Ruushka ka wado goobaha mucaaradka

Ruushka Dhinaciisa waxa uu sheegay inuu sii wadayo duqaynta mucaaradka oo uu ku tilmaamay aragagixiso

Shirka ka socda magaadda Munich ee dalka jarmalka ayaa wadamadda ku lugta leh colaadda Suuriya waxay ku gaareen xabadjoojin

Waxay xabad joojinta dhaqangalaysaa mudo isbuuc ah oo kaalmadda gargaarka la geynayo goobaha qaar

Madaxweyne Bashaar Al-asad ayaa isaga dhinaciisa sheegay inuu dagaalka sii wadayo ilaa dalka oo dhan oo ka qabanayo