US: Assad wuu hurinayaa colaada Suuriya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynaha Assad ayaa sheegay inuu sii waday dagaalka

Mareykanka ayaa sheegay in madaxweynaha Suuriya, Bashar Al-Assad, uu ku khaldan yahay fikirkiisa ah in cudud milateri uu guul uga gaari dagaalka dalkiisa ka socda.

Mr Assad ayaa wareysi uu Jimcihii siiyay wakaaladda wararka ee Faransiiska, waxa uu ku sheegay inuu sii wadayo dagaalka ilaa uu gacanta ku dhigayo guud ahaan Suuriya.

Balse afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibedda ee Mareykanka, Mark Toner, ayaa sheegay in qorshaha madaxweyne Assad uu sii wadayo daadashada dhiiga.

Dhowr bilood ka hor, ciidanka madaxweyne Assad ayaa u muuqday mid taag darran, balse markii uu Ruushka ku taageeray duqeymaha cirka ayaa waxa ay bilaabeen in ay hormar ka sameeyaan furimaha dagaalka.

Dhanka kale, madaxda caalamka ee ku shirsan magaalada Munich ee Jarmalka, ayaa gaaray heshiis looga gol leeyahay in muddo todobaad gudihiis ah lagu soo afjaro colaada Suuriya.

Balse xooggaga mucaaradka ayaa sheegay in aanay hubka dhigi doonin ilaa iyo inta uu Ruushka ka joojinayo duqeymaha isla markaana loo xaqiijinayo in madaxweynaha Suuriya uu xilka wareejinayo.