Madaxweynaha Pakistan oo dhaliilay maalinta jaceylka

Image caption Maalinta jaceylka ayaa la xusaa 14ka February

Madaxweynaha Pakistan, Mamnoon Hussain, ayaa dhaliilay xuska maalinta jaceylka ama Valentine, asaga oo sheegay in aanay wax xiriir ah la lahayn dalkiisa ama dhaqanka Islaamka.

Madaxweynaha ayaa shacabka dalkiisa ku booriyay in ay ka fogaadaan u dabaaldegida maalintaasi oo ku beegan 14ka February (Axada beri ah).

Madaxweyne Mamnoon ayaa hadalkan jeediyay maalin ka dib markii uu maamulka degmada Kohat ee waqooti galbeed Pakistan mamnuucay iibinta ubaxa ama dharka loogu dabaaldego Valentine.

Sidoo kale maamulka magaalada Peshawar ayaa Jimcihii shalay ahaa gaaray go’aan uu ku mamnuucayo u dabaaldega maalinta jaceylka, asaga oo ku tilmaamay “maalin bilaa micna ah”.

Balse mas’uuliyiin ka tirsan labada maamul ayaa markii dambe sheegay in ay ka laabteen go’aamadaasi, ka dib markii ay mucaaradad xooggan la kulmeen.