Muqdisho:Qarax lagu dilay gudoomiye urur

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya, in goor dhawayd qarax gaarigiisa loogu xiray lagu dilay gudoomiyihii golaha dhexe ee urur siyaasadeedka Kulan Muxiyadiin Maxamad Xaaji Ibraahim oo horey-na xilal wasiir uga soo qabtay dawladihii kmg ahaa ee Soomaaliya.

Dad goob joogayaal ah ayaa BBC-da u sheegay in uu qaraxu dhacay xili uu marxuumku marayay meel ku dhaw isgoyska km 4, iyadoo laga maqlay qaybo badan oo kamid ah magaalada, waxana jira dhaawac fudud oo soo gaaray qof kale.

Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Kulan Cabdiqaadir Maxamad Cusmaan, ayaa BBC-da u xaqiijiyay geerida Muxiyadiin Maxamad Xaaji Ibraahim oo kamid ah siyaasiyinta Soomaalida.