Somaliland oo sameysay isku shaandheyn

Lahaanshaha sawirka
Image caption Baarlamaanka Somaliland

Bayaan ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa xilkii looga qaaday mas'uuliyiin ka tirsaneyd xukuumadda Somaliland kuwa kalana waa lagu magacaabay.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa xalay goor danbe war uu oo saaray wuxuu xilkii kaga qaaday wasiirkii Ganacsiga Muuse Qaasim, wasiir ku-xigeenkii Xiriirka Golayaasha Mowliid Maxamed, Maareeyihii guud ee wakaaladda madbacadda qaranka Cabdillaahi Carey, iyo gudoomiyihii gobolka Sool Yaasiin Maxamed Shide, waxaana xilalkaasi loo magacaabay mas'uuliyiin cusub.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu kaloo isku badel ku sameeyay wasiirada qaarkood.

Wasiirkii warfaafinta Cabdillahi Cukuse waxaa laga dhigay wasiirka xanaanada xoolaha, halka wasiirka cusub ee warfaafintu uu noqday Cismaan Cabdillaahi Saxardiid oo hore u ahaa wasiirka duulista hawada.

Wasiirkii hore ee xanaanada xoolahana Cumar Maxamed Faarax waxaa loo magacaabay wasiirka cusub ee wasaaradda duulista hawada.

Wasiir ku-xigeeno ayaa iyana isku bedel lagu sameeyay.

Wax faah-faahin ah lagama bixin isku bedelkan cusub.