Dalka Uganda waxaa lagu xiray Besigye

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kizza Besigye

Ninka ugu cadcad mucaaradka dalka Uganda Kizza Besigye ayay booliisku xireen, sida ay sheegeen dad goob joogeyaal ah.

Waxaa lagu jiraa maalmihii u dambeeyay ee ol'olaha doorashada doorashada dalkaasi.

Gaarigiisa ayaa marayay mid ka mid ah wadooyinka waawayn ee magaalada isaga oo ay hareero socdaan boqolaal ka mid ah taageerayaashiisa.

Goob joogeyaal ayaa sheegay in ay lagu furay sunta dadka ka ilmaysiisa si loo kala eryo dadkaasi.

Booliiska Uganda ayaa sheegay in la hayo balse aan la xirin.

Xukuumaddu waxay sheegtay in sababta loo kaxeeyay ay tahay in uu u hogaansami waayay awaamiir lagu siiyay in uusan ciriirigalinin wadooyinka magalada.

Waxay sheegeen in loo siidayn doono sida ugu dhakhso badan loona gayn doono goobta uu ku leeyahay isu soo baxa xiga.

Wixii faahfaahin ah ee ka soo baxa arrintan iyo wararka doorashada Uganda waxaad ka heli doontaan bbcsomali.com, baraha bulshada ee BBC Soomaali, waxaana hUganda ku sugan oo inooga soo waramaya Farxaan Maxamad Jimcaale.