Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Puntland iyo EU oo bilaabay barnaamij

Midowga Yurub iyo puntland ayaa bilaabay wajigii labaad ee barnaamij lagu taageerayo waxbarashada Puntland.

Wajiga labaad ee Waxbarashada waa Iftiin oo la bilaabay shalay, ayaa waxaa hirgalinaya ururo isku tagay oo aan dowli ahayn (NGO) oo kala ah Care, SaveThe Children, ADRA iyo University of Amstardam iyagoo si dhow ula shaqaynaya Wasaarada Waxbarashada ee Puntland.

Wajigan labaad wuxuu sii wadayaa barnaamijka Waxbarashada waa Iftiin wajigiisii koowaad oo dhamaaday bishii November 2015.