Warbaahinta Qaranka Kenya oo dayn loo haysto

Image caption boorka lagu hor dhajiyay KBC

Dhismaha warbaahinta qaranka ee Kenya ayaa si ku meel gaar ah loo xiray maanta oo talaado ah kaddib markii lagu yeeshay lacag dayn ah oo gaaraysa 20 milyan oo doolar.

Saraakiil ka socota dawladda hoose ee Nairobi ayaa xiray albaabada warbaahinta KBC, waxayna dalbadeen in lacagtaas la bixiyo.

Lacagtan oo kiro dhul ah ayaa aruuraysay ilaa iyo markii ay Kenya Xornimada qaadatay.

Dawladda hoose ayaa markii hore ku goodiday in ay xaraashi doonto dhismaha iyo agabka warbaahintaba si dayntaas looga bixiyo.

Ogaysiis wayn oo muujinaya daynta lagu leeyahay ayaa la suray albaabada dhismaha.

Saraakiil ka tirsan Dawladda Hoose ee Nairobi ayaa BBC u sheegay in ay lacago badan oo kiro dhul ah ay ku leeyihiin hay’addo badan oo dawladda ah.

Wuxuu sheegay in ay lacagtan aad ugu baahan yihiin si ay u filiyaan hawlo daruuri ah sida biyaha iyo adeegyo caafimaad.