Hindiya: Haramacad mar labaad baxsaday

Image caption Haramacad

Haramacad dhadig ah ayaa ka baxsaday meeshii lagu hayay isla haramacadkan ayaana dhawaan lix ruux ku dhaawacay iskuul ku yaala Bangalore oo dalka Hindiya ah kaddib markii uu sidan oo kale u baxday.

Lahaanshaha sawirka Kashif Masood

Markii koobaad ee uu baxsaday ayaa la qabtay waxaana lagu celiyay beerta xayawaanka ee Bannerghatta National Park, si loo daweeyo balse axadii ayuu ka baxsaday meeshii lagu hayay.

Saraakiishu waxay sheegayaan in aan loo baahnayn in la walbahaaro maadaama oo aysan ka bixin isla beertii lagu hayay sida uu warbaahinta Hindustan Times u sheegay madaxa beertaasi xayawaanka.

Lahaanshaha sawirka Kashif Masood

Saraakiishu waxay sheegeen in Haramacadku uu baxsaday iyada oo qof shaqaale ah uu isku dayayo in uu albaabka furo si cunto loo siiyo.

Lahaanshaha sawirka Kashif Masood
Image caption dad ka cararaya isla haramacadka baxsaday todobaadkii hore

Baxsashadan waxay imanaysaa todobaad kaddib markii uu haramacadkani galay iskuul ku yaala agagaarka Kundalahalli.

Sarkaal ka tirsan duurjoogta Ravi Ralph ayaa BBC u sheegay in laga yaabo in uu haramacadku iskuulkaasi ka soo galay kayn aan saas uga fogayn.

Xoogaa kaddib waxaa la arkay tiro haramacadyo ah oo magaalada jooga taas oo sababtay in taxadar ahaan albaabada loo laabo 142 iskuul