Dalka Uganda oo ay cod bixintu ka socoto

Lahaanshaha sawirka Electoral Commission of Uganda
Image caption Haweeney codkeeda dhiibanaysa

Dalka Uganda waxaa ka bilaabatay codbixinta doorashada iyada oo bartanka lagaga jiro eedaymo sheegaya in ay jiraan goobo codbixin oo agab la’aan ah iyo kuwo kale oo wakhti dambe la furay.

Caasimadda Kampala oo ah meesha laga xukumo gudiga doorashada qaybo ka mid ah wali cod bixintu kama aysan bilaaban, qaar badan oo kalana ammin dambe ayaa la furay.

Waxaa jira warar kuwaas la mid ah oo ka imaanaya qaybo badaan oo dalka ah.

Gudiga Doorashada ayaa barta bulshada ee Twitter-ka ku soo qoray in dadku ay niyada hagaajiyan ayna maanta codkooda dhiiban doonaan ayna ka xun yiiin daahinta dhacday.

Waxaa la waydiiyay bal in ay ku dari doonaan wakhtiga codadka la dhiibanayo waxayse isla baraha bulshada ku soo qoreen in sharcigu uu dhigayo in codaynta la joojiyo afarta galabnimo saacadda geeska Afrika, balse ay xaqiijin doonaan in qofkasta uu codka dhiibto inta wakhtigaas lagu guda jiro.

Madaxweyne Yoweri Museveni oo dalkaasi ka talinayay muddo sodon sana ah ayaa doonaya in uu xilka sii hayo, hasayeeshee waxaa uu tartan adag la galayaa ninka ugu cadcad mucaaradka ee Kizza Besigye iyo Ra'iisul Wasaarihii hore ee Amama Mbabazi.

Codbixiyayaasha ayaa sidoo kale waxa ay dooranayaan xildhibaanada baarlamaanka iyo hogaamiyayaasha maxaliga ah.

Hasayeeshee waxaa dalka ka jira walaac kaddib qalalaasihii dalkaasi ka dhacay maalintii Isniinta.

Guddiga Doorashooyinka ee dalkaasi ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay qabtaan doorasho xor ah oo u dhacda si cadaalad ah.