Kenya: " Waxaan dilnay taliye Alshabaab"

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Kenya oo xusaysa askartii looga dilay saldhigeeda milatari ee Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay inay dileen madaxii sirdoonka Alshabaab weerar ay ku qaadeen koonfurta Soomaaliya.

Qoraal ay soo saartay wasaarada difaaca ayay ku sheegtay in toban kale oo taliyayaal lala dilay Mahad Karate, oo la aaminsan yahay inuu qayb wayn ka qaatay weerarkii saldhiga ciidamada Kenya ee Soomaaliya ee Bishii hore.

Weerarka cirka ee Kenya ayaa la qaaday toban maalmood ka hor, laakiin faahfaahinta sheegashada dilka taliyayaasha Alshabaab ayaa hadda soo baxday.

Milatariga kenya ayaa sheegay, Karate inuu joogay xero ay tababar ku dhamaysanayeen tobanaan Alshabaab oo ay ku jiraan dadka is qarxiya.

Alshabaab ayaa beenisay in la dilay Mahad Karate.