Ankara: "Kurdiyiinta Suuriya ayaa ka danbeeya qaraxa"

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qaraxa ayaa lala beegsaday baabuur milatari oo marayay baarlamaanka agtiisa.

Ra'iisal wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu, ayaa sheegay in sagaal qof la xiray iyadoo lala xiriirinayo qaraxii shalay ka dhacay magaalo madaxda, Ankara.

Wuxuu sheegay weerarka oo dilay labaatan iyo siddeed qof inay qaadeen kooxda mintidiinta Kudiyiinta Suuriya ee YPG, iyagoo gacan ka helaya kooxda kurdiyiinta ee PKK ee ka dagaalama Turkiga.

Wuxuu magacaabay Salih Necar oo Suuriya u dhashay inuu qaraxa sameeyay.

YPG ayaa BBC u sheegay inaysan ku lug laheen weerarka. PKK ayaa sheegtay inaysan ogayn cida weerarka qaaday.

Mr Davutoglu, ayaa sheegay in lixdan ilaa toddobaatan mintidiin oo ay ku jiraan hogaamiyayaal PKK , lagu dilay weerar cirka ee waqooyiga Ciraaq habeenimadii Arbacada.