John Kerry oo walaac ka muujiyay Uganda

Uganda voters
Image caption Codbixiyeyaal reer Uganda

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, John Kerry, waxaa uu madaxweynaha Uganda, Yuweri Museveni, u sheegay inuu ka walaacsan yahay dhibaateynta lagu hayo siyaasiyiinta mucaaradka ah inta lagu jiro doorashada madaxtinimada Uganda.

hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka, Kizza Besigye, ayaa la xiray mar ay ciidammada ammaanku duullaan ku qaadeen xarunta xisbigiisa, taas oo iska hor imaad xoog leh ka dhalisay caasimadda kampala.

Maraykanka oo taageero dhaqaale siiya Uganda waxay sheegeen in ficillada bollisku ay su'aal gelinayaan sida la isugu hallayn karayo in doorasho sax ah ay ka dhacday Uganda. Codadka ayaa weli la tirinayaa codbixintii Khamiistii dhacday iyadoo lagu wado in Mr Museveni uu mar 5aad ku guulaysto xukunka.