Qoraa Ameerikaan ah oo caan ahayd ayaa geeriyootay.

Lee Harper Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Lee Harper oo uu qaabbilay madaxweynihii hore ee Bush

Harper Lee oo qortay buug la magac baxay " To Kill a Mockingbird" waxaa uu ka mid noqday buugaagta loogu jecel yahay qoraallada khayaaliga ah ee qarnigii 20aad. Waxay dhimatay iyadoo 89 jir ah.

Buuggeeda oo la daabacay sanadkii 1960-kii, waxay ku heshay billad caalami ah iyo sidoo kale taageerayaal muddo jiilal ah ay caalamka ku yeelatay.

Waxaa dadka soo jiidatay sahanka uu buuggaasi ku sameeyay cunsuriyadda magaalo yar oo ku taal koofurta fog ee Ameerika.

Inkastoo ay guushaas gaartay haddana Lee buug dambe sooma daabicin ilaa ay adduunyada ka yaabsatay markii ay soo saartay buuggeedii 2aad oo ahaa nooca Novel sanadkii hore, kaas oo ay u bixisay " Go Set a Watchman".