Maraykanka ayaa caddeeyay weerar Liibiya

US fighter jets Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dayuuradaha dagaalka ee Maraykanka

Milateriga Maraykanka ayaa weerar xagga cirka ah ku qaadeen wax ay ku sheegeen xero ay ku tababartaan kooxda dowladda Islaamiga sheegata ee dalka Liibiya.

Dadka deegaanka Sabratha waxay sheegeen in ugu yaraan 40 qof halkaas lagu dilay.

Maraykanku waxay sheegeen in bartilmaameedkoodu ahaa nin sare oo ka tirsan kooxda isku magacawda dowladda Islaamiga oo la yiraa Noureddine Chouchane. Xafiiska gaashaandhigga Maraykanku waxay tuhunsan yihiin inuu ku lug lahaa qorsheynta weerarkii lagu qaaday xadxafka Bardo ee dalka Tuuniisiya, bishii Maarso ee sanadkii hore, oo 21 qof lagu dilay.

Maraykanku waxay sheegeen inaysan weli kala ogeyn in Noureddine Chouchane uu ku dhintay weerarka cirka iyo in kale, laakiin ay filayaan in tallaabadan milateri ay saameyn degdeg ah ku yeelan doonto kartida ay kooxda sheegata dowladda Islaamiga ay uga hawl geli karto dalka Liibiya gudihiisa.