Dadka Britain oo u codeyneya midnimada EU

Image caption David Cameron waxa uu markan doonayaa in EU ay kasii mid ahaadaan

Ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron, waxa uu shaaca ka qaaday in afti ku saabsan guuldarada Britain ee midowga Yurub la qaban doono 23ka bisha June ee sanadkan.

Mr Cameron waxa uu tallaabadaasi ku sharaxay inay tahay mid ka mid ah go’aanadii ugu waaweynaa ee dalkaasi uu wajoho intii uu jiray.

Waxa uu tilmaamay in wasiiradiisa ay aqbaleen in ka sii mid ahaanshaha EU la baraarujiyo, kaddib isbedellada uu kula heshiiyay hogaamiyayaasha EU eek u shiray Brussels.

Asigoo muujinayay waxa uu EU inteeda kale ka aaminsan yahay waxa uu sheegay in Britain ay xoog yeelaneyso, nabad ahaaneyso, ayna wanaagsanaanayaan.

Wuxuu intaa raaciyay in ka bixitaanka EU ay Britain u sababi karto halis dhaqaale iyo mid amni.

Laakiin dhowr xubnood oo ka mid ah wasiiradiisa ayaa la filayaa inay u ololeeyaan in Britain ay EU ka baxdo, sababtoo ah waxa ay ku doodayaa in heshiiska Brussles uusan ka turjumeynin madaxbanaanida UK.

Madaxweynaha golaha Midowga Yurub, Jean-Claude Juncker, waxa uu sheegay in dhammaan xubnaha eu ay faa’iidi doonaan.