Xabad joojinta Suuriya oo "dhaqan galeysa"

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Lama filayo in Daacish ay u hogaansanto xabad joojinta

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry waxa uu sheegayaa inuu aaminsan yahay in heshiis hordhac ah laga gaaray arrintan joojinta colaadda ee Suuriya.

Waxa uu hadalkaasi ku sheegay warqoraal ah oo uu kasoo saaray Jordan, waxyar kaddib markuu la hadlay dhigiisa Ruushka, Sergei Lavrov.

Mr Kerry waxa uu tilmaamay in madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruushka, Obama iyo Putin, ay maalmaha soo socda wada hadli doonaan, si loo dhameystiro wax uu ku sharaxay mabaadii’da heshiiska.

Dowladaha ugu xoogabbadan caalamka, iyo bariga dhexe, waxa ay isku raceen horraantii bsihan, in la joojiyo dagaalka Suuriya.

Laakiin dowladaha oo ku shiray Munich waxa ay go’aamiyeen in arrintaasi ay hirgasho Jimcihii aan soo dhaafna, balse xabad joojinta ma aysan dhaqan galin.

Hase yeeshee, John Kerry waxa uu filayaa in xabad joojinta ay si degdeg ah ku dhaqan gasho.

Dhan ka kale, Kooxaha u ololeeyaha arrimaha Suuriya waxa ay sheegayaan in ugu yaraan 46 qof lagu dilay laba qarax oo ka dhacay magaalada galbeedka ku taalla ee Xums.

Kooxda indha indheysa arrimaha xuquuqda aadanaha ee Suuriya ee fadhigoodu yahay Britain, waxa ay tilmaamtay in intabadan dadka qaraxyadaasi ku dhintay ay rayid yihiin.

Labada qarax waxa ay ka dhasheen gawaari la dhigay xaafadda aad looga taageero maamulka Bashar Al-Asad.

Illaa iyo hadda macadda kooxda ka dambeysay waraxyadaasi, laakiin deegaankaasi waxaa horey weerar noocaan ah ugu qaaday kooxda Daacish.