Dad badan oo ku dhintay Suuriya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qaraxyada ayaa waxaa sheegtay ururka isku magacaabay dawladda Islaamka.

Qaraxyo bambaane oo ka dhacay Suuriya ayey ku dhinteen in ka badan 130 qof, ayadoo tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Warbaahinta dawladda ayaa sheegtay in ugu yaraan afar qarax ay ka dheceen meesha la yiraahdo Sayyida Zeinab ee ku taalla duleedka koofureed ee Dimishiq, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 83 qof.

Goor sii horreysay ayaa urur u dooda xuquuqda aadanaha ee Suuriya oo fadhigiisu yahay Britain wuxuu sheegay in 57 qof, oo u badan rayid lagu dilay laba gaari oo siday waxyaabaha qarxa, magaalada Homs.

Mintidiinta dawladda Islaamiga ayaa sheegay inay fuliyeen qaraxyada ka dhacay labadaas magaalo.

Ilaa 50 jihad doone oo ka tirsan dawladda Islaamiga ayaa lagu soo warramay in lagu dilay dagaal ku dhex maray ururkaasi iyo ciidanka xukuumadda Suuriya meel u dhow magaalada Xalab ee waqooyiga dalka.