Trump iyo Hillary oo guuleystay, Bush oo haray

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Trump ayaa hadda ugu cadcad musharraxiinta Xisbiga Jamhuuriga

Ninka ugu cadcad musharraxiinta xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa guul weyn ka gaaray doorashada uu xisbiga ku yeeshay gobolka South Carolina.

Senatorada Jamhuuriga ee kala ah Ted Cruz iyo Marco Rubio ayaa ku loollamaya kaalinta labaad.

Jeb Bush oo la dhashay madaxweynihii Obama ka horeeyay, ayaa isaga haray tartanka madaxtinimada, ka dib markii uu natiijo wanaagsan ka keeni waayay doorashooyinkan tijaabada ah.

Dhanka xisbiga dimuqraadigana, Hillary Clinton ayaa Bernie Sanders kaga guuleysatay doorashadii uu xisbigooda ku qabtay gobolka Nevada.

Natiijooyinkan ayaa muhiim u ah musharraxiinta, xilli Talaadada ay taariikhdu tahay 1-ka March ay gobolo badan ka dhici doonto doorashada noocaan ah.