Ban Ki Moon oo gaaray Burundi

Image caption Ban Ki Moon ayaa ka qeyb qaadanaya dadaalka lagu xasilinayo Burundi.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon, ayaa booqasho ku tagaya Burundi, isagoo isku dayaya inuu xoojiyo dadaallada lagu xallinayo qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaas ka jira.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay, in ka badan rubuc milyan qofna waxay ka barakaceen Burundi, ka dib rabshado ka dhashay go'aankii uu madaxweyne Pierre Nkurunziza ku gaaray bishii April ee sannadkii hore inuu mar seddexaad xafiiska u soo istaago.

Mr Ban ayaa la kulmi doona madaxweyne Nkurunziza maanta oo Talaado ah.

Madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma iyo afar hoggaamiye oo Afrikaan ah ayaa Burundi tagaya Khamiista, wax loo arko dadaal heer gobol ah oo la doonayo in cadaadis lagu saaro Mr Nkurunziza.