HRW oo eedeysay Itoobiya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dadka reer Oromo oo banaanbaxaya.

Kooxda xuquuqda bini'aadanka Human Rights Watch, ayaa ku eedeysay hay'adaha ammaanka ee Itoobiya inay samaynayaan dil, xiritaan sharci daro ah iyo jirdil si ay u joojiyaan mudaaharaadyo nabad ah oo bilaabmay bishii November.

Dadka ku banaanbaxaya gobolka ugu wayn Itoobiya ee Oromia ayaa ka soo horjeeday mashruuclagu muransan yahay oo lagu balaarinayo magaalada Addisabababa, iyadoo laga cabsi qabo in dadka beeralayda ay dhulkooda waayaan.

Warbixinta Human Rights Watch ayaa sheegtay in boliiska ay xabado ku fureen dad mudaaharaadaya ayna xireen boqolaal qof.

Dowladda Itoobiya oo hakiday mashruuca ayaa ku sheegtay warbixinta mid dhinac u badan.