Europol oo ka hortagaysa tahriibayaasha

Lahaanshaha sawirka AFP

Hayadda boliiska Yurub ee Europol ayaa bilawday waax saldhigeedu yahay Hague oo qaabilsan dadka sharci darada u soo galaya.

Xarunta oo la yiraah European Migrant Smuggling Centre, ayaa loogu tala galay inay ka caawiso waddamada Midowga Yurub siday uga hortagi lahaayeen kooxaha dadka tahriibiya ee Yurub ka shaqeeya.

Agaasimaha Europol, Rob Wainwright, ayaa sheegay in sagaal ka mid ah tobankii qof ee magangalyo doon ah ee Yurub imaaday sanadkii hore, inay keeneen kooxo sharci daro ku keenay.