Sacuudiga oo maxkamad saaraya Shiico

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dadka reer Iran oo ku mudaaharaadaya safaarada Sacuudiga ee Tehran.

Sacuudi Carabiya ayaa dacwad ku qaadaysa 32 qof oo intooda badan ay yihiin dadka Shiicada oo lagu eedeynayo inay u basaasayeen Iran, sida ay sheegtay warfaafinta gudaha.

Dadka la eedeynayo ayaa loo haystaa danbiyo ay ka mid yihiin qiyaamo qaran, inay sameeyeen hab basaasnimo oo ay sirta ka qaadayaan sirdoonka una gudbinayaan xogta milatari.

Intooda badan soddon iyo labada qof ayaa ka yimiod gobolka bariga, iyadoo laba ka mid ah ay u dhasheen Iran iyo Afghanistan.

Dadka dacwadda lagu qaadayo waxaa ku jira dad caan ka ah Shiicada oo aan siyaasada ku jirin, macalin jaamacadeed, shaqaale caafimaad iyo bangi, sida ay sheegtay Reuters.

Xiisada u dhaxaysa Sacuudiga iyo Iran ayaa korortay toddobaadyadii u danbeeyay.

Sacuudi Carabiya ayaa u jartay xiriirkii diblomaasi horaantii bishii Janaayo, kadib markii safaaradeeda Tehran ay weerareen dad mudaaharaadaya oo ka xanaaqsan dilka Shiekh Shiicada Sacuudi ah iyo saddex qof oo kale oo Shiica ah.

Masuuliyiinta Sacuudiga ayaa ku adkaysatay in shiekha Nimr al Nimr in lagu helay danbiyo argagixiso.

Laakiin hogaamiyaha sare ee Iran ayaa sheegay, in la dilay shiekha kadib markii dhaleeceeyay boqortooyada Sacuudiga.