Obama: Putin ha ilaaliyo heshiiska Minsk

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Obama ayaa Putin ugu baaqay inuu xushmeeyo heshiiska Minsk ee xalka looga gaarayo colaadda Bariga Ukraine.

Madaxweyne Obama ayaa ka codsaday dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, inuu xushmeeyo heshiiskii nabadda ee Minsk ee bariga Ukraine.

Aqalka cad ayaa sheegay in intii ay telefoonka ku wada hadlayeen uu Mr Obama hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in Ruushka iyo xoogagga gooni u goosadka ah ay xurmeeyaan xabbad joojinta.

Obama ayaa Putin ugu baaqay inuu ogolaado guddiga gaarka ah ee dusha ka eegaya heshiiskaasi si ay xorriyad buuxda ugu helaan aagga dagaalka, oo ay ku jirto xudduudda Ruushka.

Mr Obama wuxuu kaloo iftiimiyey muhiimadda ay leedahay in si dhakhsiyo leh heshiis looga gaaro qorshe doorasho xor ah looga qabanayo bariga Ukraine.