Xabad joojinta Suuriya oo lagu dhawaaqay

Lahaanshaha sawirka AFP

Maraykanka iyo Ruushka ayaa ku dhawaaqay in xabad joojinta dagaalka Suuriya ay bilaabanayso shan maalmood gudaheed.

Hadal ay wadajir u soo saareen, waxay ku sheegeen inay tahay in labada dhinac ay adeecaan heshiiska oo bilaabanaya saqda dhexe labaatan iyo toddobada Febraayo.

Laakiin qoraalka ayaa cadaynaya in labada koox ee IS iyo Al- Nusra Front inaysan qayb ka ahayn heshiiska.