Mars oo soo celinaysa shukulaatooyinkeeda

Lahaanshaha sawirka THINKSTOCK

Shirkadda samaysa shukulaatada ee maras ayaa dib uga soo celinaysa shukulaatooyinkeeda Mars iyo Snickers 55 waddan oo lagu iibiyo, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AP.

Arrintan ayaa ka danbaysay kadib markii balaastig laga helay shukulaatooyinka.

Shirkadda ayaa sheegtay inay markii hore ay dib u soo celinta ku dhawaaqday Jarmal, laakiin ay ku faaftay UK, Faransiiska, Belgiumka, Talyaaniga iyo Spain.

Roel Govers, afhayeenka Mars ee Natherland, ayaa AP ay ka soo xigatay in dib u soo celinta ay saamaynayso 55 dal.

Shukulaatooyinka kale ee ay saamaysay waxaa ka mid ah Milky Wayminis iyo Miniatures.

Shukulaatooyinka ayaa taariikhdoodu tahay kuwa dhacaya 19 June 2016 ilaa 08 Janaayo 2017.

Dhamaan shukulaatooyinka ay saamaysay ayaa laga helayaa xogta barta internetka ee shirkada ee WWW. Mars.de.