Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka Soomaaliya oo Istanbul ka furmay

Magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga ayaa waxaa ka furmay shirka madasha 6-aad ee heerka sare ee Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Shirkan ayaa waxaa looga arrinsanayaa mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, iyo hurumarka laga gaaray heshiiskii New Deal ee Soomaaliya iyo deeq bixiyayaasha iyo caqabadaha ka hor yimid.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxa uu daba socdaa shir Diseembartii la soo dhaafay lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana shirka wax ka gudoominaya madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Jibriil Ibraahim Cabdulle, oo ah madaxa CRD ayaa ka waramay muhiimada shirka.