Haweeney beenisay cunug laga xaday Cape Town

Image caption Celeste Nurse ayaa sheegtay inay tahay hooyada gabadha la xaday ee la helay.

Maxkamad la saarayo qof dumar ah ayaa lagu eedeynayaa inay xaday carruur ku dhawaad labaatan sano ka hor.

Haweenayda oo konton jir ah ayaa u sheegtay maxkamada inaysan danbi lahayn.

Ilmaha Zephany Nurse, ayaa lagu eedeynayaa haweenayda inay ka xaday sariirta hooyadeed isbitaal ku yaala magaalada CapeTown sanadkii 1997-dii.

Waxay reerkeeda is heleen sanadkii horekadib markii ay la saaxiibtay gabar iskuulka dhigata oo ay isku eg yihiin.

Baaritaan DNA oo la sameeyay ayaa lagu helay in labada gabar ay walaalo yihiin.