Daacish oo bamka ka "iibsata" shirkado

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaraxyada Daacish ay fuliso ayaa la sheegaa inay yihiin kuwa aad u xoogbadan

Cadeyn baaritaan lagu sameeyay sida bambooyiinka ay u sameystaan kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ayaa muujineysa in waxyaabaha qaraxa laga sameeyo ay ka helaan shirkado ku yaalla 20 dal oo kala duwan.

Kooxda baaritaanka sameysay oo fadhigeedu yahay dalka Lubnaan, oo loo yaqaano, “Machadha baaritaanka hubeynta”, waxa ay soo bandhigtay in Daacish ay bambooyiin aad u xoogbadan oo ah kuwa jidadka la dhigo soo saarto.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in kooxda ay soo saarato miinooyiin aad u xoog badan.

Sidoo kale miibeylka Nokia ee 105 waxa uu yahay midka ay ku qarxiyaan miinooyiinkaasi, sida ay kooxda baaritaanka sameysay sheegtay.

Baarayaasha waxa ay sheegeen in gadidda noocan ee rakhiiska ah inay diyaar ka dhigtay wax qarx.

Waxa ay ku talinayaan in si wanaagsan loola socdo shirkadaha, sharcina laga soo saaro waxkastoo qax dhalinkara ama loo adeegsan karo.