Sacuudiga iyo Baxrayn oo ka digay Labnan

Lahaanshaha sawirka

Sacuudi Carabiya, Baxrayn iyo Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa u sheegay dadkooda inay u safrin Labnan.

Wasiirada arrrimaha dibadda ee Sacuudiga iyo Baxrayn ayaa ugu baaqay dadkooda inay ka soo baxaan waddankaasi ammaan xuma aawadeed.

Laakiin Dalka Imaaraadka Carabta ayaa wada mamnuucay in loo safro Labnan, waxayna sheegeen inay diblomaasiyiinteeda ay ka soo bixinayso Beirut.

Toddobaadkii hore, Sacuudi Carabiya ayaa hakisay £2bn oo Lacagta UK ah oo gargaar milatari kadib markii dowladda Labnan ay ku guuldareysatay inay cambaareyso weerarkii safaarada Sacuudiga ee Iran.

Ururka Shiicada ee Xisbullah ayaa sheegtay Sacuudiga inuu joojiyay gargaarka, sababtoo ah cadaadis dhaqaale oo haysta oo kaga yimid shidaalka raqiiska noqday, dagaalka ay kula jirto Yemen ee ay la dgaalamayso Shiicada Xuutiyiinta

Siyaasiga reer Lubnaan Sacad al Xariri, ayaa ku dhiiri galiyay boqorka Sacuudiga ee Salman inuusan dayicin Labnan oo uu wado taageerada uu siiyo.