Trump oo ku guulaystay Navada

Lahaanshaha sawirka Reuters

Donald Trump ayaa ku guulaystay tartankii ugu danbeeyay ee qofka noqonaya musharaxa madaxweynenimada Maraykanka ee xisbiga Republiga.

Natiijooyin inta soo baxday ayaa sheegaysa inuu ku guulaystay afartan boqolkiiba codadka gobolka Navada.

Waa markii saddexaad ee uu ku guulaystay tartanka Republiga, waana toddobaad ka hor intaan lagu tartamin bisha Maarso kowdeeda saddex iyo toban gobol.

Senetor Ted Cruz iyo Marco Rubio ayaa ku tartamaya kaalinta labaad gobolka Nevada.