Warbixinta Jimmy Savile iyo BBC

Lahaanshaha sawirka PA

Warbixin la soo saaray ayaa sheegtay, in BBC ay danbi ku leedahay inaysan waxba ka qaban Jimmy Savile oo ahaa shaqaale la ogaaday markuu dhintay inuu carruur iyo gabdho faraxumeeyay.

Baaritaan oo ay hogaamisay garyaqaanka Janet Smith, ayaa lagu helay Savile inuu xoogay ama fara xumeeyay in ka badan toddobaatan qof oo shaqadiisa BBC la xiriirtay. Dadka ayaa ku dhawaad kala bar ahaa carruur.

Warbixinta ayaa sheegtay in shaqaalaha qaar ay ogaayeen xadgudubka, madaxda sare looma sheegin sababtoo ah dhaqanka ka jiray haya'da waqtigaas.

Agaasimaha BBC Tony Hall ayaa u sheegay dadkii ay saamaysay xadgudubka, inuu aad uga xun yahay, wuxuuna balanqaaday inuu qaadi doono talaabooyin dheetraad ah oo lagu adkaynayo siyaasada haya'da ee ku wajahan carruurta.