Dad ku dhintay weerar Muqdisho

Lahaanshaha sawirka epa

Ilaa shan qof ayaa ku dhimatay weerar hoobiyayaal ah oo maanta lagu qaaday madaxtooyada.

Hoobiyayaasha ayaa ku dhacay xaafado u dhow madaxtooyada oo mid ka mid ah ay ku dhinteen aabe, labadiisa caruurta ah iyo haweenay shaqaale ahayd. Waxaa kaloo ku geeriyooday macalin dugsi qur'aan.

Waxaa dhimashadan BBC u xaqiijiyay afhayeenka gobolka Banaadir, Cabdifitaax Cumar Xalane.

Agaasimaha isbitaalka Daaru-Shifaa, ayaa isaguna sheegay in isbitaalkooda la geeyay ilaa 9 qof, oo laba ay mayd ahaayeen, qof sadexaadna isagoo dhaawac halis ah la geeyay isbitaalka oo uu ku dhintay. Lix qof, ayuu sheegay in wali lagu dawaynayo isbitaalka.

Al-Shabaab, ayaa sheegatay in ay ka dambaysay weerarka oo ay u adeegsaday ilaa 9 hoobiye.