Doorashada guud ee Iran

Lahaanshaha sawirka ISNA

Iran, ayaa qabaneysa doorashadii ugu horeysay oo dalka oo dhan ah ilaa markii ay heshiis la gaartay quwadaha dunida, si cunaqabateynta looga qaado, taasi oo ay ku badalatay inay xadeyso howlaheeda Nuklerka.

Dadka, ayaa dooranaya barlamaan cusub iyo sidoo kale xubno ka tirsan guddiga golaha ugu saameynta badan ee culumada, kuwaasi oo doorta hoggaamiyaha ugu sareeya dalka.

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani, ayaa markii oo codeynayay sheegay inay jiraan wararka in si weyn looga qeybgalay.

Tani, ayaa taagereysa xukuumadiisa isbadalka doonka ah oo keentay heshiiska nuklerka. Musharaxiin badan oo dhexdhexaad ah ayaan soo bixin ka hor codeynta.