Obama oo ka hadlay xabad joojinta Suuriya

Lahaanshaha sawirka AFPGetty
Image caption Waxaa jiro dhinacyo aan ka qeybgaleynin xabad joojinta Sida Daacish iyo Al-Nusra

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Obama waxa uu sheegay in joojinta colaadda Suuriya ee la qorsheeyay inay tahay muhiim.

Waxa uuna dhinacyada oo dhan uga digay dagaalka, wuxuuna u sheegay caalamka uu daawan doono haddii ay go’aankooda fulinayaan.

Xabad joojinta, oo lagu wado in saqda dhexe ee caawa ay dhaqan gasho, waxa uu Mr Obama ku tilmaamay inay tahay tallaabo muhiim ah “oo lagu joojinayo qalalaasaha”.

Laakiin waxa uu intaa ku daray, inaysan jirin doonin xilli degdeg ah oo dagaalka Suuriya uu ku dhammaado.

Mr Obama waxa uu mar kale u cadeeyay madaxweynaha Suuriya, Bishaar Al-Asad uusan awoodda sii haysaneyn ayna qeyb ka tahay xalka siyaasadeed.

Laakiin, waxa uu intaa ku daray Xabad joojinta la qorsheeyay inay fursad u tahay qaadidda tallaabooyiin kale oo loo qaadayo dhanka nabadda ee Suuriya.