Madaxda dalalka AMISOM oo kulmaya

Lahaanshaha sawirka amisom
Image caption Midowga Afrika waxa ay doonayaan in dowladda Somaliya la taageero, sida kulanka ay ka sheegeen

Madaxweynayaasha dalalka ay ka yimaadeed ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya ayaa manta la filayaa inay ku shiraan dalka Jabuuti.

Ujeedada kulanka ayaa ah sidii dib loogu eegi lahaa howlgalka iyo hagaajinta hannaanka howlgalka AMSIOM, la shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo ciidammada amniga ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa ka horeeyay mid ay yeesheen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalkaasi oo uu shir gudoominayay madaxa amniga iyo nabadda ee Midowga Afrika, Smail Chergui.

Kulamadaasi waxaa sidoo kale ka qeyb galaya wakiilo ka socda Qaramada Midoobeey, Midowga Afrika iyo hay’ado kale.

Madaxa isku xirka howlgalka AMISOM ee Somaaliya ayaa gudbiyay dalab uu ku sheegay in uu ku talinayo in la xoojiyo ciidammada amniga ee Soomaaliya, lana adkeeyo hormarada la garayo.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cumar Hadliye, ayaa waxa uu u mahadceliyay ciidammada AMISOM, wuxuuna baraarujiyay qorsheynta wadashaqeynta AMISOM iyo ciidamada amniga ee Soomaaliya.

Madaxa nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika, Smail Chergui waxa uu tilmaamay in si degdeg ah loo billaaboayo howlgal adag oo ka dhan ah ururka Alshabaab, wuxuuna ku baaqay in dalalka ciidammada geeyay Soomaaliya ay la yimaadaan qorshayaal lagu xaqiijinayo dhaqaale wanaagsan in loo qoodeeyo howlgalada ciidan.

Francisco Madeira, oo ah wakiilka Midowga Afrika ee howlgalka Somaliya ayaa shirarka AMISOM ee Jabuuti ku tilmaamay kuwo lagu gaarayo wadashaqeyn wanaagsan, isku xirka howlaha AMISOM iyo kuwa la shaqeeya.

Go’aankii ka soo baxay kulankii heerka wasiirada ahaa ayaa maanta loo gudbinayaa madaxweynayaasha dalalka ay ka socdaanciidammada AMISOM ee manta ku shiraya Jabuuti.