Switzerland oo afti u qaadeysa shisheeyaha

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Aftida ayaa go'aan looga gaarayaa shisheeyaha dembiyada yaryar gala.

Waxaa dalka Switzerland ka socota afti ay shacabkiisa u qaadayaan in dadka shisheeyaha ee dembiyada yaryar gala la tarxiilayo iyo in kale.

Qorshahan ayaa waxaa wata xisbiga garabka midig ee Swiss People's Party.

Xisbiga ayaa sheegay in shacabka Switzerland ay aad uga walwalsan yihiin muhaajiriinta dalkooda kusoo badanaya iyo dhibaatooyinka la sheego in ay la yimaadaan.

Xisbiga ayaa doonaya in shisheeye kasta oo laba goor dembi yar gala muddo 10 sano gudahood ah, laga tarxiilo Switzerland asaga oo aan wax racfaan ah qaadan karin.

Dadka diidan qorshahan ayaa sheegaya inuu si aan cadaalad ahayn u beegsanayo afar meelood meel ka mid ah bulshada dalkaasi oo muhaajiriin ah, isla markaana uu kala soocayo cadaalada dalka.