US iyo Ruushka oo ka hadlay xabad joojinta Suuriya

Image caption Lavrov iyo Kerry waxa ay kawada hadleen sii wadidda shirarka nabadda

Wasiirada arrimaha dibadda ee Mareykanka iyo Ruushka, John Kerry iyo Sergei Lavrov, waxa ay soo dhaweeyeen xabad joojinta dalka Suuriya.

Laakiin waxaa jiro warar sheegaya in meelaha qaar la carqaladeeyay dhaqan galka heshiiska ee maalintii ugu horeysay.

Balse waxa ay u muuqatay in inta badan ay u hogaansameen xabad joojintaasi.

Jiidaha hore ee magaalada ugu weyn dalka Suuriya ee Xalab waxaa laga soo sheegayaa inuusan dagaal ka dhicin.

Mr Kerry iyo Mr Lavrov waxa ay ka wada hadleen aragtida guud ee qabashada wadahadalo nabadeed.

Qaramada midoobeey ayaa rajeyneysa in kulamadaasi ay ku qabsoomaan isbuuc gudihiisa.

Kooxda la baxday Khilaafada Islaamka, oo aan ka mid ahayn heshiiska Xabad Joojinta, waxa ay weerar ku qaaday magaalada Tal Cabeyd, ee waqooyiga Suuriya.

Dagaal yahaniinta Kurdiyiinta waxa ay sheegeen in weerarkaasi ay iska caabiyeen.